Wasaaradda Kalluumeysiga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhaqaalaha buluugga ah ayaa digniin culus u dirtay dhammaan shirkadaha kaluumeysiga iyo milkiileyaasha maraakiibta, iyadoo ku amartay in ay si adag u raacaan oo ay u hoggaansamaan sharciga kaluumeysiga ee dowlada Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonto ciddii ku xad gudubta, una hogaansami weyda sharciga kaluumeysiga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
“Sida ku cad qodobka 31-aad, ku xadgudubka sharcigan wuxuu keeni karaa ganaax lacageed, xarig, in lala wareego kalluunkii la qaatay iyo in lala wareego agabka lagu isticmaalo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda.
Wasaaraddu waxay u soo jeedinaysaa dhammaan shirkadaha kalluumaysiga iyo mulkiilayaasha maraakiibta inay si adag u dhawraan xeerarka ku jira xeerka kalluumaysiga.
Doomo badan oo kalluumeysi ayaa si sharci darro ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya.
Dhowaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sii deysay kalluumeysato ajaaniib ah oo u dhashay dalka Iran, kuwaasoo lagu qabtay iyagoo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha dalka.
Sannadkii hore dowladda Soomaaliya ayaa maxkamadda gobolka Banaadir ku soo xirtay 36 qof oo ajaaniib ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya. Kalluumeysatada la soo eedeeyay ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada badda Soomaaliya, xilli ay wateen in ka badan 30 tan oo kalluun ah oo ay si sharci darro ah uga heleen biyaha Soomaaliya.
Talaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaya muhimadda ay leedahay in Soomaaliya ay dadaal ugu jirto la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah iyo xoojinta dowladnimada badda.
HBN NEWS DESK