Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya, Maxamuud C/raxmaan (Beenebeene), ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib u bilowday Mashaariic horumarineed oo ay ka waday Puntland, kuwaasi oo ay Dowlad Goboleedka si iskeed ah u joojisay, sida uu hadalka u dhigay.
War saxaafadeed uu soo saaray wasiir Beenebeene ayuu ku sheegay in maamulka Puntland uu horay u joojiyay fulinta mashaariicdaas, balse hadda la isku afgartay in dib loo bilaabo. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan aragno dib u soo celinta Mashruuca Xoojinta Nidaamka Barwaaqada iyo Nidaamka Cunnada Soomaaliyeed (SFSRP) ee Puntland, taasoo dhiirigelinaysa dadaallada lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene.
Mashaariicda Barwaaqo waxaa loogu talagalay inay ka faa’iideystaan dhammaan dowlad goboleedyada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa si iskeed ah u hakisay fulinta deegaannada maamulkaasi, sida uu sheegay wasiirka.
Hadalkaan ayaa imaanaya maalin kadib markii Puntland ay warqad u dirtay beesha caalamka, iyadoo ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya inay siyaasadeyneyso mashaariicda lagu taageerayo gobolka. Warqadan ayey Puntland ku codsatay in qoondadeeda dhaqaale aan lagu wareejin dowladda Federaalka.
Soo celinta mashaariicdan horumarineed ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sugnaanta cunnada ee Puntland, iyadoo ay weli jirto xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Deni & Villa Soomaaliya.
HBN NEWS DESK