Dowladda Kenya oo shaacisay in ay dileen in ka badan 60 dagaal yahan oo ka tirsan A-shabaab

Dowladda dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in khasaara xooggan gaarsiiyeen Ururka Al-shababaab, kadib markii ciidamada ammaanka dalkaasi ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, sida ay baahisay Nairobi.

In ka badan 60 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ciidamada ammaanka Kenya waxa ay ku dileen isgoyska Lamu-Tana, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, kaas oo la hadlay warbaabinta gudaha dalkaas, asiga oo intaas raaciyayin ay sii wadi doonaan howgalladqa ka dhanka ah Al-shabaab ee ku aaddan deegaannada ay ku dhuumaaleystaan ee ku yaal xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale wasiirka ayaa shegay in dagaalkaas ay ku dhinteen labo qof Kenyaan ah, oo uu ku sheegay in ay ahaayeen muwaadiniin, balse faah faahin dheeraad ah kama uusan bixin khasaaraha kale ee ka dashaya howgalka ay fuliyeen ciimada ammaanka ee Kenya.

Muddooyinkii dambe Al-shabaab ayaa weeraro dhaliyay dhimasho iyo dhaawac waxaa ay ku fulinayeen xadka dalka Kenya, waxana ku dhintay dad shacab ah iyo askar keenyaan ah, dhawaan wasiirka difaaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale oo yimid gobolka Mandheera e Waqooyi Bari ee dalkaas ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan howgallo lagu xaqiijinaayp amniga oo ka dhan ah A-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed