Dawlada Hindiya ayaa ku dhawaaqday in ay maxkamad dalkeeda ku soo taagi doonto 35 nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay yihiin burcad badeed la qabtay ka dib markii ay afduub u gaysteen markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Malta.
Markabka dagaal ee Hindiya laga leeyahay ee INS Kolkata ayaa hawlgal lagu soo furanayay markabka MV Ruen wuxuu ka fuliyay xeebaha Soomaaliya waxaana u suurtagashay in burcad badeedii Soomaalida ahayd inay isa soo dhiibaan markabkiina sidaasi lagu siidaayo.
Ciidamada Hindiya ayaa sheegay in intii uu socday hawlgalka in burcad badeeda Soomaalida ay soo rideen diyaarad yar oo nooca drone-ka ah oo ilaalo ahaan loogu diray hawlgalka.
“Fal cadawtinimo oo aan ka fiirsi lahayn, ayay sameeyeen budhcad-badeeddu waxay soo rideen diyaarad aynu u dirnay sahan ahaan, waxayna rasaas ku soo fureen markabka markabkeenna dagaal, kaasi oo ku jawaabay rasaas” sidaasi waxaa yiri Vivek Madhwal oo ah afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Hindiya.
Ciidamada Hindiya ayaa sheegay in burcad badeeda ay ku qasbeen inay is dhiibaan ka dib markii ay cadaadis saareen, waxaana uu sheegay in lagu qaadi doono xukun waafaqsan qaanuunka dalka Hindiya.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawlada Soomaaliya ama safaarada Hindiya oo ku aadan raggan Soomaaliyeed ee laga qabtay xeebaha dalka ee lagu eedeynayo inay yihiin burcad badeed.
HBN NEWS DESK