Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay 7 milyan oo dollar oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab iyo Sirdooka Mareykanka oo sheegay lacagaha sanadlaha ah ee kooxdaas

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in guulo waaweyn ay ka gaartay dadaalka ay ugu jirto la dagaalanka maalgelinta argagixisada, iyadoo shaaca ka qaaday in lagu guuleystay in la qabto lacag dhan 7 milyan oo dollar oo la rumeysan yahay in lala xiriirinayo Al-Shabaab.

War qoraal ah oo laga sii daayay kanaalada dowladda, ayaa maamulka Soomaaliya waxa ay ku sheegeen in ay qabteen lacag dhan 7 milyan oo dollar, oo ay la socdaan 670 nambaro taleefoon ah, sidoo kalena ay xireen 110 akoon oo banki oo lala xiriiriyay saraakiisha Al-Shabaab. Talaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo qeyb ka ah hirgelinta sharciga ka hortagga lacagaha la dhaqo iyo la dagaalanka sharciga maalgelinta Argagixisada.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Akoonada la xiray ay ka mid yihiin Akoonada Ganacsiga oo ay Al-Shabaab u adeegsan jireen Lacagaha ay kaga qaadi jireen Ganacsatada Soomaaliyeed, taasoo ah xeelad inta badan ay kooxaha argagixisada ah ku maalgeliyaan howlahooda iyo maamulka bulshada deegaanka.

Iyadoo dowladdu ay bogaadisay iskaashiga ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka lagula jiro maalgelinta argagixisada, ayaa sidoo kale waxay digniin culus ka soo saartay shaqsiyaadka ama hay’adaha lagu helo inay Al-Shabaab ku taageeraan bixinta lacago baad ah. War saxaafadeedka ayaa hoosta ka xarriiqay in lacagahan oo kale ay kooxdu u adeegsato dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, dowladdu ma aysan shaacinin hay’adaha maaliyadeed ee gaarka ah ee ku howlan fududeynta dhaq-dhaqaaqyada Al-shabaab, sidoo kalena ma aysan faahfaahin ka bixin tallaabooyinka ciqaabta ah ee lagu qaaday hay’adahaas.

Marka laga yimaado muhiimadda horumarkan uu u leeyahay khalkhal gelinta shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab, haddana falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in lacagta la qabtay ay ka dhigan tahay qayb yar oo ka mid ah dakhliga sanadlaha ah ee kooxda, taasoo sirdoonka Maraykanku ay ku qiyaaseen ilaa 180 milyan oo dollar.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed