Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa Gaari Ambalaas ah oo Qalabeysan ku wareejiyay Farxiyo Yuusuf Cumar Faahiye oo ka wakiil ah Isbitaalka Casuura ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Cisbitaalka deegaanka Yagoori ayaa adeegyo caafimaad siiya haweenka ku nool Sool, Sanaag, iyo Cayn oo lagu magacaabo SSC-Khaatumo.
Munaasabadda xil wareejinta ah ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa wasiir Cali Xaaji waxa uu sheegay in gaadiidkan gurmadka ah uu wax weyn ka tari doono gurmadka.
Xildhibaanad Farxiyo Yuusuf ayaa uga mahad celisay dowladda federaalka sida ay mudnaanta u siisay baahiyaha ka jira deegaanada SSC-Khaatumo gaar ahaan caafimaadka iyo adeegyada bini’aadantinimo.
Dagaalkii sanadkii hore dhexmaray ciidamada SSC-Khaatumo iyo ciidamada Somaliland ayaa lagu burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha ee ugu muhiimsanaa deegaanada muhiimka ah ee gobolka, iyadoo dhowr madfac ay ku dhaceen isbitaalada Laascaanood iyo deegaano kale oo ka tirsan Sool iyo Sanaag.
HBN NEWS DESK