Dowladd Soomaaliya oo ka hadashay qodobada in shirku soo xirmo keenay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wareeggii labaad ee wadahalkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Ethiopia oo garwadeen ay ka tahay dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo u waramey warbaahinta ayaa sheegay in wareeggii labaad ee wadahadalka looga dooday arrimo badan, Soomaaliyana ay caddeysey mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamey lama taabtaan.

Waxaa wareeg 3-aad oo wadahadal ah ayaa loo balansan yahay bisha September17-keeda, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.

Dadka Falanqeeyayaasha gobolka ah ayaa sheegaya n Itoobiya u isticmaalayso is-afagaradkii ay la saxiixatay Somaliland mid gorgortan ay dawlada Soomaaliya ku riixayso in y ugu ogaalato doonista bad ay si buuxda u isticmaasho, qodobkaas ayaa loo arkaa inuu fashil ka dhigay wadahadalka, maadaama Soomaaliya ay gabi ahaanba ka soo horjeeda in wax lagu dhameeyo xeer jajab, ayna ku adkeysanayo qawaaniinta caalamiga ah in lagu saleeyo heshiis kasta oo la galayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed