Dowlad Deeegaanka oo sheegay in qayb kooxdii weerarka ka geystay Masjidka Wardheer la qabtay

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar oo ka hadlay dilkii 6 wiil oo xer ahaa loogu gaystay magaalada Wardheer ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dadkii weerarka geystay qayb ka mid ah, isaga oo cambaareeyey falkii lagula kacay dadkii cibaadaysanayey.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Mustafe in falkan lagu sheegi karin isqabqabsi qabiil, isaga oo ku tilmaamay in masaajid la weeraro arin ugub ah oo u baahan in dawlad iyo shacab ahaan si adag looga hortago.

Mustafe Cagjar ayaa carrabaabay in gacanta lagu dhigay qayb ayna socdaan hawlgalo balaaran oo lagu soo qabanayo dambiilayaashii geeystay falkii Masaajidka.

“Waxaa socda hawlgalo balaadhan oo lagu soo qabanayo dambiilayaasha geeystay falkii Masaajidka, iyadoo la hayo qayb, qayb kalana lagu raad joogo” ayuu yiri madaxweyne Soomaalida Galbeed.

Waxaa uu intaa ku daray in sida oo kale la haayo dad gacan ku dhiiglayaal ah oo horay u fuliyay dilal aano ah oo ka dhacay deegaanka.

Weerar ka dhacay Magaalda Wardheer ee gobolka Doollo ayaa lagu dilay 6 wiil oo la tilamaamay in ay ahaayeen xer Kutubbo ka raaceysay Masjidka ku yaalay halkaasi, halka kooxdii falkaasi geysatay ay goobta ka baxsadeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed