Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan suuqa magaalada Garoowe, kadib markii ay dhacday musiibo ka dhalatay dil loo geystay askari loo xil saaray ilaalinta suuqa dharka oo aad mashquul u ah, ka hor inta aan la ciidin. Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray C/xakiin Fiqi ayaa maalin cad lagu dilay suuqa.
Faahfaahinta dhacdadan ayaa ah mid kooban, balse warar horudhac ah ayaa sheegaya in shaqaaqadaasi ay ka dhalatay muran ku saabsan bixinta canshuuraha oo soo kala dhexgalay askariga iyo darawalka Mooto Bajaajta. Muranka oo ahaa mid aad u kulul ayaa isku bedelay dagaal, waxaana ugu dambeyntii halkaasi ka dhacay Khasaare Nafeed oo naxdin leh.
Ciidamada amaanka Puntland ayaa markiiba bilaabay howlgal ay ku soo qabteen gacan ku dhiiglihii dilka geystay oo la sheegay in uu ahaa darawalkii waday Mooto Bajaajta ee falkaasi geystay. Howlgalka oo uu horkacayay taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal ayaa lagu guuleystay in saacado gudahood lagu soo qabto. Eedeysanaha ayaa hadda ku jira xabsiga, isagoo sugaya dacwado kale oo dhanka sharciga ah.
Dhacdadan ayaa keentay in hay’adaha ammaanka ay ka hadlaan sida loogu baahan yahay in la adkeeyo ammaanka goobaha ay dadku isugu yimaadaan, gaar ahaan xilliyada ciidda.
HBN NEWS DESK