Dhimasho ka dhalatay weerar kooxo hubeysan ay ka ka geysteen gobolka Doollo

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar aano Qabiil lala xariiray oo saaka waaberigii kooxo hubeysan ay ka geysteen Masjid ku yaala dhulka Soomaali Galbeed, gaar ahaan gobolka Doollo.

Weerarkan oo ka dhacay Magaalda Wardheer ee gobolka Doollo ayaa lagu dilay inta la ogyahay 6 wiil oo la tilamaamay in ay ahaayeen xer Kutubbo ka raaceysay Masjidka ku yaalay halkaasi.

Kooxdii dilka geysatay ayaa la soo wariyey in ay ka baxsadeen goobta, iyada oo la sheegay in uu la xariiro kiiskaan aanooyin Qabaa’il oo u dhaxeysa laba reer wada dega deegaanka oo aad u baahday sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu eedaynayaa in ay ku guuldaraysateen xalinta colaadan oo mudo soojiitamaysay, inkasta oo wax war arintan la xariira uusan ka soo bixin.

HBN ONLIE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed