Caalamka oo Soomaaliya u diray fariin midaysan

Dowlado iyo hay’ado caalami ah ayaa maanta si isku mid ah hambalyo ugu soo diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay, xorriyadda iyo midowgii Soomaaliya ee 1-da Luulyo, iyagoo bogaadiyay adkeysiga shacabka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dib u dhiska dalka.

Dalalka Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Canada, Jabuuti, Azerbaijan iyo Pakistan ayaa dhammaantood muujiyay taageerada ay u hayaan Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay shacabka Soomaaliya nabad, midnimo, xasillooni iyo barwaaqo.

Sidoo kale, waxay adkeeyeen inay sii wadi doonaan iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Dhanka kale, ururrada caalamiga ah ee Midowga Afrika (AU), Urur-goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub (EU) ayaa iyaguna fariimo wadajir ah ku bogaadiyay shacabka Soomaaliya munaasabaddan taariikhiga ah. Hay’adahan ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay muujisay adkeysi iyo horumar, inkastoo ay soo martay caqabado badan, isla markaana ay mudan tahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo horumarka waara.

Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah u xustay in Soomaaliya ay sannadihii la soo dhaafay muujisay karti ay uga soo kaban karto duruufihii adkaa ee ay wajahday, taas oo saldhig u noqon karta horumarinta nabadda iyo horumarka mustaqbalka. Midowga Afrika iyo kan Yurub ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, halka IGAD ay ku tilmaantay Soomaaliya xubin aas-aasi ah oo muhiim u ah gobolka.

Fariimaha ka soo baxay beesha caalamka ayaa si guud u muujinaya kalsoonida ay saaxiibbada caalamku sii siinayaan horumarka Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay inay sii garab istaagaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabad waarta, dowladnimo xooggan iyo horumar loo siman yahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed