Wasaaradda Amniga ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo lagu sheegay mid lagu nidaaminayo saacadaha ay socon karaan diyaarinta xafladaha lagu qabto hoteellada iyo goobaha meheradaha ee dhanka Aroosyada, taasi oo meelaha qaar keentay in lagu saama-laylo, waxaana ay sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay adkeynta amniga iyo ilaalinta kala dambeynta.
Wareegtada ka soo baxday Wasaaradda ayaa lagu faray dhammaan mas’uuliyiinta meheradaha qurxinta aroosyada (salon-yada) inay hubiyaan in diyaarinta aroosadda lagu soo gabagabeeyo ugu dambayn 9-ka fiidnimo, si ay u suuragasho in munaasabadaha aroosyadu ku dhammaadaan waqtigooda.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay amartay in dhammaan xafladaha aroosyada lagu soo gunaanado hoteellada ugu dambayn 1-da habeenimo, iyadoo si cad u mamnuucday in adeegyada diyaarinta aroosadda ay sii socdaan wixii ka dambeeya 9-ka fiidnimo.
Wasaaradda Amniga ayaa uga digtay milkiilayaasha goobaha qurxint, hoteellada iyo cid kasta oo ay khusayso in tallaabo sharci ah laga qaadi doono qofkii ama hay’addii jebisa awaamiirtan cusub, iyadoo ku dooday in go’aankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada deegaannada Waqooyi Bari.
HBN ONLINE TV

