Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku gubay dawooyin maandooriye ahaan dalka loo soo galiyey

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku gubay dawooyin lagu qabtay Dekedda caasimadda dalka, kuwaas oo ay sheegeen in si sharci darro ah loogu adeegsan jiray maandooriye ahaan. Dawooyinkan ayaa hore loo horgeeyay Maxkamadda ka hor inta aan la burburin.

Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in qiimaha dawooyinka la gubay uu gaarayay ku dhowaad 20 milyan oo doollar, isagoo xusay in dawooyinkaas loo isticmaali jiray si ka baxsan ujeeddadii caafimaad ee loo soo saaray. Afhayeenka Ciidanka Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa tilmaamay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta caafimaadka bulshada iyo ka hortagga faafitaanka mukhaadaraadka.

Dawooyinka la burburiyay waxaa ka mid ahaa kaniiniyada Pregabalin (Bilibil) iyo Tramadol, oo caafimaad ahaan loo isticmaalo daaweynta xanuunnada qaarkood, balse mararka qaar si khaldan loogu adeegsado maandooriye ahaan.

Inkasta oo Booliisku soo bandhigay isla markaana gubay dawooyinkan, haddana ma aysan shaacin cidda lahayd ama masuuliyiinta ka dambeysay soo gelintooda dalka. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ay dadweynuhu ka qabaan cidda ka dambeysay shixnadda iyo tallaabooyinka sharci ee laga qaaday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed