Dhimasho Dhaawac Ka Dhashay Weerar Kooxda AS ay ku Qaadeen Baardheere

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Wararka naga soo gaaraya, Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas Weerar Culus ay ku qaadeen Ururka Al-shabaab, waxana laga soo warinayaa khasaara xooggan oo iskugu jiro dhimasho iyo haawac.

Goobta uu weerarkaan ka dhacay ayaa aheyd Xero Ciidan halkaas oo uu uga socday Tabbabar, si ay ugu biiraan Ciidanka Xoogga Soomaaliya, Saldhig ayeyja u aheyd Ciidanka lagu weeraray goobtaas, hub culus ayey isku adeegsadeen labada garab dagaalka ayaana muddo socday.

Ila wareedyo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhawaq hubka laga maqlay dhammaan deegaanka dadka ku sugan, kuwaas oo xaqiijiyay in weerarka lagu qaaday Xeerada Ciidanka magalaada Baadheere ee Gobolka Gedo.

Ilaa dhowr Askari ayaa lagu dilay dagaalka kuwaas oo kamid ahay Ciidankii la siinaayay tabbabarka iyo qaar kamid ah Saraakiishii bixineysay Tabbabarka halka dhaawacana uu kor u dhaafayo ilaa 4 Ruux.

Sidoo kale waxaa xerada la weeraray agagaarkeeda saldhig ku leh ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo mar dambe u gurmaday ciidamada la weeraray.

Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda Weerarkaan oo ah sheegeen in Khasaaro Xooggan ah gaarsiiyeen Ciidankii ku sugnaa goobta.

Dhanka kale majiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha ee ku saabsan dagaalkii Al-shabaab ay ku soo qaadeen.

Si kastaba, Isbuuciib la soo dhaafay ayey aheyd markii xubna ka tirsan  AS ay weerar ku bilaawday Ismiidaabin iyo Hoobiyaal ay ku qaadeen isla Magaalada Baardheere, waxana ku dhaawacmay Guddoomiyihii Gobolka iyo Saraakiil kale.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed