Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo bilaabeen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo iyo casbi laga qabo in dagaal uu qarxo

Waxaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan laga dareemayo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, sida ay ku warrameen ilo kala duwan. Somaliland ayaa diyaarisay ciidamo aad u badan, waxaana taasi ay keentay cabsida colaadeed ee ka jirta deegaanada maamulkaasi, waxaana sidoo kale jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda SSC Khaatumo. Arintaan ayaa keentay in dadka deegaanka ay isaga barakacaan deegaanada qaar.

Xiisadan ayaa sababtay in dadkii ku noolaa magaalada Oog ee Buq-Dharkayn ay isaga barakacaan iyo deegaano kale iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in labada dhinac ee dagaalamay ay isku dhacaan maadaama ay horay u jireen colaado sababay barakaca boqolaal qoys.

Somaliland ayaa ku talo jirta inay dib u qabsato deegaano dhowr ah oo ka maqan gacantooda tan iyo sanadkii hore ee 2023, kuwaas oo ay xoog ku qabsadeen SSC-Khaatumo, sida ay horay u sheegeen ma’suulyiin ka soo jeedo Somaliland.

Maamulka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa sheegay in ay maamul ahaan hoos tagayaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana go’aankaas ku gacan seyray maamulka Somaliland. Dagaal ayaa markaas dhacay taasoo sababtay dhimashada, dhaawacyo iyo barakaca dad badan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed