Dhageysi sharci ah oo ku saabsan dagaalka Gaza ayaa maanta oo Khamiis ah ka furmaya maxkamadda Hague, iyadoo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ay dhageysaneyso doodaha ku saabsan in Israa’iil ay xasuuq ka geysaneyso dhulka Falastiin.
Koonfur Afrika, oo kiiska keentay, waxay weydiisaneysaa maxkamadda Qaramada Midoobay inay si degdeg ah wax uga qabato “si looga ilaaliyo waxyeello daran iyo weerarada Israa’iil ee marinka Qaza, oo ay ku sheegtay xasuuq iyo tirtirada dadka reer Falastiin”.
Tan iyo weerarradii 7-dii Oktoobar, Israa’iil waxay Gaza ku dishay in ka badan 23,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, qiyaastii 70% kuwaas oo la rumeysan yahay inay yihiin haween ama carruur. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiin ee UNRWA, ayaa ku qiyaastay in 1.9 milyan oo qof ay ku barakaceen dagaalka Gaza.
Maanta ayey bilaabaneysaa dacwada loo heysto xukuumadda Israa’iil ee dhibaatada aanan loo meel dayin loogu geysanayo dadka shacabka ah ee ku nool Marinka Qaza.
HBN NEWS DESK