Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose taasi oo sababtay dhimashada labo ruux. Nin aan wali la aqoonsan ayaa toogasho ku dilay xaaskiisii hore ee Seynab Xuseen Cumar, isagoo watay qori AK47 ah. Lamaanahan ayaa waxa ay isku dhaleen afar caruur ah, taasi oo sii kordhisay masiibadii geeridooda.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee degmada Wanlaweyn Ismaaciil Xaaji Mukhtaar Gacmadheere ayaa ka hadlay xaalada murugsan, isagoo daboolka ka qaaday in askarigii dilka geystay ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka degmada. Inkastoo la sameeyay dadaal lagu doonayay in lagu soo qabto isagoo nool, haddana shaqsiga ayaa iska caabiyay in la xiro, kaddibna halkaas ayaa lagu tooktay.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa argagax ku abuurtay guud ahaan degmada, iyadoo dadka ku dhaqan degmadaas ay la daalaa dhacayaan dhibaatada baaxadda leh ee soo gaartay carruurtii ku agoontowday rabshadaha.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa sidoo kale xasuusinaysa rabshadaha sii kordhaya ee ragaadiyay qoysaska Soomaaliyeed mudooyinkii u dambeeyay. Iyadoo ay sii kordhayaan dilalka u dhaxeeya qoysaska.
HBN NEWS DESK