Dhacdo Naxdin Leh: Macalin Dugsi Quraan & Xaaskiisa oo lagu dilay gobolka Galhaduud

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug kaddib markii koox hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ay gurigiisa ku dileen macalin Dugsi Quraan iyo xaaskiisa kuwaas oo ku sugnaa gurigooda oo ku yaal deegaanka Gorfaale oo u dhaxeeya Cada-xaar iyo Bulacle waxaana taasi ay keentay in bulshada ay ka xumaadaan, isla markaana si weyn loo hadal hayo.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa argagax ku abuuray guud ahaan gobolka, waxaana goobtii uu dilka ka dhacay ka baxsaday kooxihii dilka geystay, iyadoo dadkii deegaanka ay soo gaareen goobta uu dilku ka dhacay oo ay ku wargeliyeen laamaha ammaanka ee maamulka Galmudug.

Si dhab ah looma oga cida ka danbeysa dilkan balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu salka ku hayo dilal ka dhacayay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, wararkii ugu horreeyay ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay la xiriirin karaan dagaal beeleed iyo aargoosi muddo dheer ka socday gobolka Galgaduud, kaasoo soo noqnoqday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeya weerarkan, waxaana la filayaa in laamaha ammaanka ay bilaabaan baaritaano.

Macalinka geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay C/llaahi Cali oo ku magac dheeraa (Jalaqle). Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa maamulka gobolka Galgaduud, inkastoo la sheegayo in ay socdaan howlgallo la xiriira soo qabashada kooxdaasi.

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa horay u soo qab qabtay dad lala xiriirinayo dagaal beeleed. Dhacdadan ayaa muujineysa baahida degdega ah ee loo qabo dadaallo joogto ah oo wax looga qabanayo xiisadaha iyo colaadaha salka ku haya ee saameynta tooska ah ku leh amniga shaqsiyaadka ku nool Galgaduud iyo gobollada ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed