Dhaawacyadii ka dashay weerarkii Al shabaab ay ku qaaday Hotel SYL oo loo daad gureeyay dalka dibadiisa kuwaas oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Soomaaliya ayaa waxaa laga qaaday 19 qof oo dhaawacoodu halis yahay oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xildhibaano, waxaana loo qaaday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga halkaas oo lagu daweynayo. Kuwaas oo ku waxyeeloobay  weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay soo abaabuleen rag ka tirsan Al-Shabaab.

Bukaanada ku dhaawacmay weerarkaaas ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Go’aanka bukaannada loogu qaaday dalka Turkiga ayaa ka tarjumeysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in daryeel caafimaad oo dhameystiran la siiyo dadka ay saameeyeen falalka argagixisanimo.

19-ka qof ee loo duuliyay dalka Turkiga ayaa isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo dhaawacyo culus ay kasoo gaareen weerarkii Hotelka SYL. Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka caanka ah ee ay degan yihiin Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda sagootinta ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay dowladda inay gacan ka geysato soo kabashada iyo daryeelka dhaawacyada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed