Waxaa laga soo sheegayaa dagaal culus oo socday wax ka badan laba maalmood oo ka dhacay xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo dhexeeyey ciidamada deegaanka ee Macawiisley ay la galeen dagaallo xoogan kooxda Al-Shabaab inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, xili kooxda laga saaray deegaanno badan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah.
Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ee Ciidamada deegaannka, wararka la helayo waxay tilmaamayaan in Ciidamada dadka deegaanka ay la kulmeen khasaare. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalkaasi uu guul milatari keenay, iyadoo Alshabaab looga saaray deegaanno muhiim ah. Dowladda ayaa ku tilmaantay weerarkan mid sii adkaynaya dagaalka ka dhanka ah kooxda.
Guddoomiyaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in Alshabaab hadda la iskugu uruuriyey degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna yiri “Kadib dagaal socday laba maalmood, Khawaarijta waxaan isugu geeynay Aadan Yabaal, mana uga harayno.”
Guddoomiyaha ma uusan sheegin khasaaraha soo gaaray dhanka ciidamada deegaanka, taas oo weli ah arrin aan si buuxda loo xaqiijin karin, xili uu tilmaamay in dhimasho aad badan uu soo gaaray Alshaabab.
Dhanka kale, gobolka waxaa tagay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan masuuliyiin kale, isagoo ka degay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Socdaalkiisa ayaa lagu tilmaamay mid lagu dhiiri galinayo sida hadalka loo dhigay Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.
Bayaan ku lifaaqnaa socdaalka Taliye Sanbaloolshe ayaa warbaahinta Ciidamada Dowladda lagu yiri “Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa inta u dhaxeysa deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan-Yabaal lagu dilay in ka badan 70 Khawaarij ah oo horjoogayaal ay ku jiraan”.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka iyo deegaanka ay maanta kaabiga ku hayeen degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo Alshabaab ku sugan yihiin, iyadoo weli ay aaggaas ka socdaan howlgallada.
Sidoo kale, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa kormeer ku tagay deegaanka War-gaadhi ee gobolka Shabeellaha dhexe si uu ula kulmao ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee la dagaallamaya Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa kulammo la yeeshay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka, isagoo ku booriyey ciidamada ku sugan furimaha sii wadida dagalka. “Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in gulufka mideysan ee ka socda Hirshabeelle lagu soo afjaraayo Khawaarijta nafla caariga ah isagoona shacabka ugu baaqay midnimo iyo niyad-wanaag” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada maamulka,
Howlgalladan ayaa dowladda sheegtay inay sii joojteyn doonto iyada oo laga faa’iideysano fursadaha horyaalla Ciidamada iyo garabka laga helayo beesha caalamka.
HBN ONLINE TV