Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi oo qudbad ka jeediyey Muqdisho ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland jooga ay bilaabeen sida hadalka u dhigay inay garab ka raadsadaan Itoobiya.
Fiqi weerar afka ah ku qaaday masuuliyiinta ay siyaasadda isku hayaan dowladda dhexe ee Jubbaland ayaa sheegay in aan la garab istaagi karin madaxda maamulka oo sida uu hadalka u dhigay u doontay Addis Ababa hub ay dad ku afduubtaan iyo mid ciidamada dowladd ay kula dagaalamaan.
“Waagii loo carari jiray Itoobiya ee hubka laga keeni jiray ee dadka lagu gumaadi jiray maanta lama joogo, dadka Soomaaliyeed waa soo jeedaan” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Sida oo kale Fiqi ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe in uu u diiday Ra’iisal Wasaaraha XFS in Kismaayo ka dego, balse taasi bedelkeeda uu u ogolaaday sida uu hadalka u dhigay in diyaarado hub sida ay kaga yimaadeen Addis Ababa yimaadaan.
Waxaa uu Bulshada iyo ciidamada jooga Jubbaland uu faray inay ka wada shaqeeyaan “ka hortagga damaca iyo duulaanka qaawan ee Itoobiya”, isaga oo carrabaaby in masuuliyiinta maamulka sida uu warka u yiri “ay ku fashilmeen hugaaminta Jubbaland”.
“Madaxdii hore ee Jubbaland markii ay fashilmeen waxay bilaabeen inay garab ka raadsadaan Maamulka Abii Axmed ee jidka fashilka ah ku taagan.” ayuu sii raaciyey Wasiir Fiqi.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka 1-aad Maxamuud Sayid uu ku sugan yahay Addis Ababa, isaga oo u jeedka socdaalkiisa wax faahfaahin ah laga ogeyn iyo sababta keentay in halkaasi tago.
Bayaan ka soo baxay DFS ayaa lagu todobaadkan in magaalda Kismaayo ay ka degeen labada diyaaradood oo hub sida, iyaga oo halkaasi ka qaaday xubno masuuliyiin Jubbaland ah.
Khilaafka u dhexeeya dowladda iyo maamulka Jubbaland oo sheegay in uu jaray xiriirkii wada shaqeyneyd ee kala dhexeysay ayaa gaaray heerkii ugu sareeyey, tan iyo 25-kii hore oo doorasho uu markii 3-aad uu ku soo baxay Axmed Madoobe ay ka dhacday Kismaayo.
HBN ONLINE TV