Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun sanado xabsi ah ku riday Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun sanado xabsi ah ku riday Sacdiyo Bajaaj
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeysay kiiska Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo loo yaqaan Sacdiyo Bajaaj, iyadoo ku xukuntay 3 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dambiyo ay ku soo oogtay Xeer Ilaalinta Qaranka.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Sacdiyo lagu helay eedeymo la xiriira kicin dadweyne iyo sumcad-dil hay’adaha Dowladda sida hadalka loo dhigay, iyadoo dacwaddu ay ku saleysneyd qoraallo iyo sawir lagu baahiyay baraha bulshada, oo ay ku jirtay erayga “Hoggaamiyaha kacdoonka”, laga helay mid kamid ah baraha bulsho ee magaceeda ku qoran yahay. Sacdiyo ayaa maxkamadda ka hor beenisay eedeymahaas iyo in akoonkaasi ay iyada leedahay.

Sacdiyo Macallin oo ah gabar dhalinyaro ah ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 3 sano xarig ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Saalax Dabbaan, iyada oo Maxkamadda Gobolku ay ka yeelatay fadhiyo kala duwan, uuna soo kiiskaan muddo laba Bilood ka badan. Waxaa intii ay socotay maxkamadeynta lagu soo bandhigay caddaymo ay ku jiraan muuqaallo lagu dhex daawaday hoolka Maxkamadda, inkastoo ay qareennada iyo Sacdiyo Bajaaj qudheedaba ay iska difaaceen eedeymaha ay soo jeedisay Xeer Ilaalinta Qaranka.

Sidoo kale, Sacdiyo oo ahayd wade Mooto Bajaaj ayaa qiratay in aanay lahayn ruqsad sharci ama wax laysin ah oo ay ku howlgali jirtay inta ay shaqada ku jirtay, waxaana ay cadaysay in aanay la ahayn Mootada, arrintaas oo maxkamaddu sidoo kale ku dartay qodobada lagu xukumay.

Gabdhahan oo caan ka noqotay baraha bulshada ayaa horay si wayn uga soo muuqan jirtay warbaahinta, waxaana sidoo kale marar badan ay ka qayb gashay kulamo ay qabteen mucaaradka oo looga soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qareennada difaacayay Sacdiyo ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn go’aanka maxkamadda, iyagoo shaaciyay inay u gudbin doonaan racfaan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir si dib loogu eego kiiska.

“Sacdiyo kuma qancin go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxayna isticmaashay go’aan adag oo laga baaqsan karay,” ayuu yiri qareennada uu doodaya Sacdiyo midkood.

Sacdiyo oo 74 maalmood ku xirneyd xabsiga ayaa sii wadi doonta muddada xukunkeeda inta laga gaarayo racfaanka. Kiiskeeda ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada, maadaama ay hore caan uga ahayd baraha bulshada, isla markaana ay ka qeyb geli jirtay kulamo ay qaban jireen siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo si kulul u cambaareeyay xukunka ee xarigga lagu ridday Sacdiyo Macallin Cali (Bajaaj) ayaa ku tilmaamay mid “gaboodfal ah”. Khayre ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda inay ku takrifaleen awoodda, wuxuuna sheegay in maxkamaddu ay qeyb ka noqotay fulinta go’aanno siyaasadeed.

“Sacdiya Bajaaj ma aha dambiile ee waa hooyo u halgamaysay quudinta qoyskeeda oo ay duruufuhu ku qasbeen in ay bajaaj ku shaqeyso, maadaama ay shaqo ka waysay cilmigii ay ka baratay Jaamacadda. Waxaana ayaandarro ah in maanta dhibbane u tahay dowladdii ku taageeri lahayd sidii ay u heli lahayd shaqo aqoonteeda waafaqsan, oo u xirtay, una xukuntay in ay si nabdoon u cabbirtay aragtideeda iyo dareenkeeda, taas oo ah xaq dastuuri ah oo uu dammaanadqaaday Qodobka 18aad ee Dastuurka Dalka,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed