Jabuuti oo maanta xustay 49-sano guudaraddii ka soo wareegtay markii ay xornimadeeda dib uga heshay

Jabuuti ayaa maanta u dabaaldegtay sanad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska 27-kii Juun 1977-kii. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka kala socotay dalal Afrikaan ah iyo caalamka, iyadoo guud ahaan dalka laga qabtay dabaaldegyo lagu maamuusayo maalinta xornimada.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si wadajir ah ubax u dhigay goob lagu xasuusto halgamayaashii u soo dagaallamay xorriyadda dalka oo door weyn ka soo qaatay halgankii lagaga xoroobay gumeysiga Faransiiska.

Sidoo kale, Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay cududda ciidamada qalabka sida ee Jabuuti, oo ay ka mid yihiin dhulka, cirka iyo badda. Gaadiidka gaashaaman iyo qalabka ciidamada ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha xafladda, iyadoo madaxda ka qeyb galaysay ay daawadeen bandhigga milatari.

Dhanka kale, Jabuuti ayaa sanadkan gashay kaalinta 153-aad ee qiimeynta Awoodda Militariga Adduunka ee 2026. Inkasta oo ciidamadeedu tiro ahaan yar yihiin, haddana dalka wuxuu leeyahay muhiimad istaraatiiji ah maadaama uu ku yaallo irridda koonfureed ee Badda Cas iyo Marinka Bab al-Mandab, oo ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan dunida.

Jabuuti waxay martigelisaa saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska iyo Japan, taasoo ka dhigtay xarun muhiim u ah howlaha amniga gobolka, la dagaallanka burcad-badeedda, argagixisada iyo ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee caalamiga ah. Ciidamadeeda qalabka sida ayaa inta badan diiradda saara amniga gudaha, difaaca xuduudaha iyo taageeridda howlaha nabad ilaalinta ee Geeska Afrika.

Todobaadka Xorriyadda ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u billowda 26-ka Juun, wuxuuna ku soo dhammaadaa 1-da Luulyo, oo ah maalintii ay Koonfurta Soomaaliya ka xorowday gumeysigii Talyaaniga isla markaana ay midoobeen gobolladii Waqooyi iyo Koonfur, taasoo dhalisay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed