Soomaaliya oo bixisay tabarucaadkeedii miisaaniyadda Qaramada Midoobay ee sanadkan

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda oo waqtigeedii ku habboonaa u bixisay lacagtii ku waajibtay miisaaniyadda caadiga ah ee Qaramada Midoobay ee sannadka 2026, taasoo ka dhigaysa dalalka xubnaha ka ah ee gutay waajibaadkooda maaliyadeed.

Qoraal ay soo saartay Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay muujinayso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda howlaha Qaramada Midoobay iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale, Ergadu waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in Qaramada Midoobay hesho maalgelin joogto ah, la saadaalin karo, isla markaana waarta, si ay si hufan ugu gudato waajibaadkeeda caalamiga ah.

Lacagta dal kasta laga qaado waxaa go’aamiya Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo lagu saleeyo awoodda dhaqaale ee waddankaas. Dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo waxay bixiyaan lacag aad uga yar tan ay bixiyaan waddamada hodanka ah.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka bixiya heerka ugu hooseeya ee qiimeynta Qaramada Midoobey—Tusaale ahaan, sannadkii 2024 Soomaaliya waxay bixisay $31,509 oo doolar oo ah tabarucaadkeeda miisaaniyadda caadiga ah ee Qaramada Midoobay. Lacagtan ayaa ah mid aad uga yar tan ay bixiyaan waddamada dhaqaalahoodu weyn yahay sida Mareykanka, Shiinaha, Japan iyo Jarmalka, kuwaas oo sannad kasta bixiya malaayiin ilaa boqolaal milyan oo doolar.

Qaramada Midoobay ayaa sannad kasta u dirta dal kasta qiimeynta rasmiga ah ee ku waajibtay, waxaana Soomaaliya ay ka mid noqotay dalalka bixiyay lacagta 2026 waqtigii loogu talagalay.

Bixinta waqtigeeda ku dhacday ayaa muujinaysa dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan gudashada waajibaadkeeda caalamiga ah iyo taageeridda howlaha Qaramada Midoobay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed