DFS oo ka jawaabtay dooda mucaaradka ee qabashada doorashada qof iyo cod

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kaga qeyb galay Muqdisho Barnaamij gaar ah oo dowladda soo agaasinta ayaa ka hadlay arimo badan oo quseeya Doorashooyinka qof iyo codka ah, qaabka mucaaradka uga falceliyeen iyo sida wax u socdaan.

Waxaa uu sheegay in dadaalada dowladda wado haddii ay diidaan mucaaradka ee ah qabashada doorashada qof iyo cod in iyagane berri ka aanay shaqeyn doonin, isaga oo hor dhigay su’aal adag.

“ Sidee qofka beri imaan doono looga yeelaa doorasho qof iyo cod ayaan qabanaa, hadii uu midaan diido” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Xubnaha Mucaaradka ku ah DFS oo horay bayaanno uga soo saaray arinta qabashada doorashada qof iyo codka ah ayaa ku dooday in aanay suurtagal aheyn in dalka hadda laga qabto doorashadaasi, maadama deegaano badan ay gacanta dowladda ka maqan yihiin iyo in dib u heshiisiin la sameeyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed