DFS iyo Hirshabeelle oo weerarka Beledweyne ku tilmaamay “mid fulaynimo” ah iyaga oo Cambaareeyey

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa fuleynimo ku tilmaamay, isaga oo cambaareeyay. Guudlaawe ayaa sheegay in Alshabaab markii ay ku dhiiran weysay furimaha dagaalka inay  beddelkeeda doorteen inay xasuuqaan sida hadalka loo dhigay shacab sooman.

Dadka ku dhinta ee waxgaradka ah ayaa gaaraya ilaa 3 Nabadoon, Sarkaal iyo dad shacab ahaa, sida ay warkan ku sheegtay Madaxtooyada Hirshabeelle oo faafisay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyey masuuliyiinta nabaddoonada ku jireen oo ku dhintay weerarkii Hoteel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay. Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran.” ayaa lagu warkan oo ka soo madaxtooyada Hirshabeelle.

Dhanka kale, Masuuliyiinta dowldda Soomaaliya ee cambaareeyey weerarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadam, oo si xooggan u cambaareeyay weerarka Alshabaab ku qaadey hoteel Qaahira ee magaaladda Beledweyne iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxaam Yuusuf Alcadaala oo isna yiri “Inta ka carareen furimaha ayay Shacab Xaafadahoodii jooga dilayaan, Fulaynimo iyo alla ka fogaasho ayay kulansadeen Khawaarij, Dhiigga Shuhadadu wuxuu idinku noqon Dhimbilo Naareed Insha allaah”.

Xiliga uu weerarkan dhacayey ayaa ilo dhanka amaanka ah sheegeen in goobta shir ku lahaayeen Odayaal dhaqan & Rag la sheegay in ay abaabulayeen howlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo qorshuhu yahay in laga bilaabo Galbeedka gobolka Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed