Dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab oo lagu soo bandhigay mamaulka Koofur Galbeed isla markaana sii daayay warbixino xasaasi ah

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala degaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen, waxayna dhamaantood ahaayeen rag dhalinyaro ah oo ka bar bar dagaalami jiray kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay  dhibaato ku ahayeen nabadda iyo ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa NISA ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay xubnahan oo qaadan doona duruus kala duwan oo dhanka fikirka ah.

Ciidamada ayaa tilmaamay in goosashadan ay ka dhalatay xaalado aan loo adkeysan karin oo ay ugu wacan tahay howlgallada iyo duqeymaha cirka ah oo la xoojiyay. Ciidamada ayaa ku dhiira geliyay in ay isku soo dhiibaan dowladda.

Xubnahan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay ka qeyb galeen dagaallo ka dhacay gobollada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan, isla markaan ay kaalin weyn ka qaateen.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, taasi oo keentay in ay ka goostaan ​​dagaalyahanno muhiim ah oo ka tirsan kooxda. Kuwa soo goosta waxaa inta badan la siiyaa casharo nafsi ah oo kala duwan ka hor inta aan loo oggolaan inay ku biiraan qoysaskooda iyo asxaabtooda.

Dadka isa soo dhiibay ayaa wareysiyo lala yeeshay ku sheegay in ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka xooggan ee dagaalyahannada Al-shabaab ay ku hayaan goobaha ay ku sugan yihiin, iyagoo ugu baaqay saaxiibadooda inay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah deegaanada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana dowladda Soomaaliya ay kordhisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee looga xoreynayo deegaanada cusub.

Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa hadda ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, si loo beegsado dagaalamayaasha Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed