Dagaalo ba’an oo ka dhacay xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,halkaas oo uu ka dhacay dagaal ba’an oo muddo socday, isla markaana sababay dhaawacyada tiro kale.

Dagaalka oo walaac ku abuuray dadka deegaanka ayaa ka dhacay deegaano u dhaxeeya Moqokori iyo Aadan Yabaal ee ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu ka dhashay maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo wada dega deegaankaasi. Shaqaaqadan oo si lama filaan ah u dhacday ayaa qeylo dhaan ku beertay dadka deegaanka, maadaama labada beelood ay markii hore nabad ku wada noolaayeen.

Maamulka Hirshabeelle ayaa farta ku fiiqay kooxda Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyay ururka argagixisada ah in uu abaabulayo dagaal beeleed si ay qalalaase uga dhex abuuraan beelaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Gobolkan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay dagaallo beeleedyo, waxaana inta badan ay ka dhaceen degmooyinka Jalalaqsi, Moqokori, Mahadaay iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Khasaare nafeed oo naxdin leh ayaa muujinaya baahida degdegga ah ee loo qabo in xal loo helo colaadaha gobolka.

Iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacayso caqabado dhanka ammaanka ah, ayaa haddana beesha caalamku waxay si dhow isha ugu haysaa sida dowladda iyo maamullada maxalliga ah ay wax uga qaban lahaayeen xaaladdan, iyo sidii ay uga shaqayn lahaayeen soo celinta nabadda iyo xasilloonida deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed