Dadaal xooggan oo looga hortagayo khatarta Al-Shabaab ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland waxay si wadajir ah howlgalo uga bilaabeen gobolka Jubbada Hoose. Ujeedka howlgalka ayaa ah sidii looga hortagi lahaa weeraro suurtagal ah oo Al shabaan ay la beegsaneyso fariisimo ciidan oo ay dhawaan amaankeeda sugayeen ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika.
Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan, waxaa diiradda lagu saarayaa sidii looga hortagi lahaa weerarada ay maleeshiyaadka Al shabaan ku qaadaan saldhigyada ay ciidamada iskaashanaya ka sameysteen deegaanno istiraatiiji ah oo ku yaalla Jubbada Hoose.
Deegaanno ay ka mid yihiin Janaay Cabdalle iyo tuulooyinka hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka socda baaritaanno lagu xaqiijinayo howlgallada socda.
Howlgalka ayaa intii uu socday waxa ay ciidamadu kusoo qabqabteen shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu burburinayo shabakadaha iyo dhaq dhaqaaqyada ay kooxdaasi ka waddo gobolka.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa iyo Saraakiisha ugu sareysa Hay’adaha amaanka ayaa booqday goobaha ay ka socdaan howlgalada wadajirka ah. Joogitaankoodu wuxuu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda istiraatijiyadeed ee ciribtirka khataraha Al shabawn iyo xaqiijinta xasilloonida Jubbada Hoose iyo deegaannada ku xeeran.
Wadashaqeynta ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa ka tarjumeysa dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga iyo ka hortagga khatarta kooxda, gaar ahaan gobollada u nugul falalka.
HB NEWS DESK