Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Dolwad Deegaanka Soomaalida.

Muqdisho (Hbnonlinetv)-Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya  dowlad deegaanka Soomalida ayaa sheegaya in Ciidanka Degaanka Oromiya ee weerar geeystay Khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay ku qaadeen Soomaalida degta deegaanka Tuli-guuleed  oo qiyaastii 30 km u jirta Magaalada Jigjiga.

Dagaalkaan   dhexmaray Maleeshiyaadka Oromada iyo kuwa Soomaalida kuwaas oo ah Xoolo dhaqato ayaa muddooyinkii dambe halkaas ku dagaalamayay, ku dhawaad 10 qof ayaa la soo warinayaa in ay ku dhinteen dagaalkaan maanta qarxay, halka dhaawacana uu ka badan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Colaadan ay salka kuheyso is Qab Qabsi dhuleed kaas in badan kuso noq-noqday Nawaaxiga Tuli-guleed ilaa iyo hadana majirto tallaabo wax looga qabanayo oo uu qaaday maamulka deegaanka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed