Dagaal Dib Uga Qarxay Laascaanood iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaysaa dagaal maanta mar kale ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, madaafiic kala duwan ayaa la isku adeegsaday kuwaaas laga maqala guud ahaan deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in madaafiic ay ku soo dhacday gudaha magaalada, kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah, oo dhexmaray ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC-khaatumo, waxaa wili la maqlaya dhawaqa rasaasta labada dhinac.

Lama xaqiijin sababta ka dambeysay bilaawga dagaalkaan, basle warar aan helnay ayaa sheegaya in madaafiic ay ku soo dhaceen gudaha magaalada, kadibna uu dagaalka bilaawday, lama oga khasaraaha dhabta ah ee ka dashay dirirta Laascaanood.

Dagaalkaan ayaa daba socda kuwa hore, maalin ka hor ayey aheyd markii dagaal xooggan uu dhexmaray dhinacyada isku haya maamulka Laascaanood.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed