Dagaalkan oo ahay mid xooggan ayaa dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al shabaab iska markaaana ka dhacay gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan deegaannada Busley Dhannaane iyo Jilib Marko, waxana ka dashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inay weerarka ku qaadeen farriisimo ciidanka milatariga Soomaaliya ay ku lahaayeen degaanadaas oo maalmo ka hor lagala wareegay kooxda markaasoo howlgal lagu qaaday.
Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada sargaal caan ah oo lagu magacaabi jiray Liibaan Golcad oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Booliska Milatariga Soomaaliya ayaa kamid noqday saraakiil iyo ciidamo ku geeriyooday weerarkaan gaadmada ahay ee ay fuliyeen maleeshiyaadka Al shabaab deegaanka Busley gobolka Shabeelada Hoose.
Sargalkaan ayaa qeyb ka ahay saraakiisha hoggaamineysay howlgallada ka dhanka ah Al shabaab ee ka soconayay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, Liibaan Golcad ayaa katirsanaa guutada 22-aad ee ciidanka Gungaar ee loo xilsaaray xasilinta amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa taliyaha howlgalinta ciidankaas.
Bishaan dhexdeeda xilli uu la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgallada ay waddaan ay ku doonayaan in Al shabaab ay kaga saaraan guud ahaan gobolka Shabeelada Hoose.
Ilaa iyo hadda faah faahin rasmi ah lagama helin khasaaraha ka dashay weerarkaan, balse ilo wareedyo la hadlay HBN TV ayaa sheegaya in uu ahay mid kamid ah weeraradii ugu adkaa oo ay la kulmaan ciidamada ku sugan furimaha hore deegaalka.
HBN NEWS DESK