Dagaal Culus oo ka soconaya Laascaanood iyo wararkii ugu dambeyay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya  daagal culus oo hadda ka soconaya magaalada Laascaanood eexarunta gobolka Sool,  dagaalkaan ayaa u dhaxeeya Ciimada Militariga Somaliland iyo kuwa deegaanka, kaas oo dhawaqa rasaasta toos looga maqalaayo guud ahaan deegaanka.

Dagaal ayaa yimid sida la sheegay markii Ciidamada Somaliland ayaa madaafiic ku tuureen gudaha magalada, kadibna ciidanka deegaanka ayaa jawaab ka bixiyay, taas oo keentay in dagaal toos ah uu dhex maro labada dhinaca, ee isku haya gacan ku heynta magaalada, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku dagaalamayeen.

Goobjoogayaal ayaa HBN TV u sheegay in dagaalka xooggiisa uu ka socdo  Bariga iyo Galbeed magaaladda, waxana ka dashay khasaaroo iskugu jiro naf iyo maal, wallow aanan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah eeka dhashay dagaalka wili soconaya.

Goobaha Caafimaadka ee Laascaanood ayaa la gaarsiiyay dad dhaawac ah, kuwaas oo wax yeelo ka soo gaareen hubka ay isku ridayaan labada dhinac, iyaga oo  isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan.

Wixii soo kordho halkaan, kala soco haddii Alle idmo

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed