Dagaal culus oo ka socda duleedka Laascaanood & madaafiic ku soo dhacday magaalada

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socda duleedka magaalada gaar ahaan  dhanka bari halkaasi oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku waydaarsanayo.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo shalay dagaal kale oo aad culus uu ka dhacay aaggaga ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalkii shalay ayaa sababay madaafiic in lagu duqeeyo magaalada, iyadoo ciidamada Somaliland lagu eedeeyay in madaafiic aan kala sooc lahayn ku garaaceen guryaha, goobaha ganacsiga, caafimaadka iyo kuwa cibaadada.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku geeriyooday duqeyntii shalay, waxaana ku dhaawacmay lix qof oo kale sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareed oo kala duwan.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa eedeyn isku jeedinaya, maamulka SSC Khaatumo ayaa ku eedeeyay Somaliland inay dhawr jiho ka soo weerartay magaalada, halka Somaliland sheegatay in duulaan ay ku soo qaadeen ciidamo huwan ah oo Puntland hoggaaminayso.

Ma jirto cid madaxbannaan oo xaqiijin karta sheegashooyinka dhinacyada dagaalamaya oo ku aadan bilowga dagaalka.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed