Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal beeleed shalay ka dhacay meel ku dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa ka dhacay meel lagu magacaabo Qurac Mudul.
Dagaal beeleedyadaan ayaa ah kuwo soo noq-noqday gobolka, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, iyadoo dadka ay ka cabsi qabaan in colaadda u dhexeysa maleeshiyo beeleedka ay sii xoogeysato.
Dagaal beeleedka ayaa ka dhashay lahaanshaha deegaanka Laas-Xaado oo ku dhow Dhuusamareeb sida ay wararku sheegayaan. Xiisada u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed ayaa weli ka taagan deegaanka sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.
Majir wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku aaddan dagaalkaas iyo xiisada ka taagan deegaanka. Tobanaan ruux ayaa ku dhintay dagaal beeleedyo ka dhacay deegaano ku yaal mamaulkaas muddoooyikii la soo dhaafay.
HBN NEWS DESK