Dagaal beeleedyo ka socdo gobolka Galgaduud & xaaladda oo kacsan

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegayain dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Xiisada colaadeed ee hadda u dhaxeysa labo beelood ayaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Taragaduud ee bariga gobolka Galgaduud oo hoostaga Galmudug.Dhinacyada dagaallamaya ayaa ka soo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Ceelgaras oo labaduba ku wada sugan hal gobol oo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada XDS ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dagaalka oo sii xoogeystay  ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah. Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay dagaalkii ugu dambeeyay.

Dadka dhintay ayaa dhamaantood ah dad shacab ah, waxaana tani ay muujineysaa saameynta xoogan ee colaadaasi ay ku yeelatay dadka deegaanka ee wada dega deegaanada maamulka Galmudug, halkaasi oo ay ku soo badanayaan aargoosiga beelaha.

Xaaladda Galmudug ayaa weli kacsan, iyadoo ay socdaan dadaallo ay wadaan odayaasha iyo maamulka deegaanka oo lagu doonayo in lagu xalliyo colaadda iyo soo celinta nabadda deegaannada maamulkaas.

Dagaalka sokeeye ee socda ayaa hoosta ka xariiqaya baahida loo qabo in dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah u soo farageliso si looga hortago khasaare kale oo nafeed iyo ilaalinta rayidka.

Shalay ayay ahayd markii aano qabiil darteed deegaanka Bulacle oo hoosataga degmada Dhuusamareeb loogu dilay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa oo joogay gurigooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed