Dagaal beeleedyo ba’an oo ka dhacay gobolka Galgaduud isla markaana dhaliyay dhimasho badan iyo dhaawac

Ilaa 10 ruux ayaa la sheegay in ku dhinteen dagaalkaan, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, dagaal beeleed ka dhacay degaan katirsan waqooyiga gobolka Galgaduud.
Maleyshiyaadka ku dagaallamay gobolka ayaa kala Cabudwaaq iyo Xeraale, dirirta xooggani ee ka dhacday deegaan miyiga ah ee waqooyiga Galgaduud, waxayna dirirtooda salka ku haysaa aano qabiil iyo muran la xiriira dhinaca deegaanka.

Ciidamo katirsan maamulka Galmudug ayaa kala dhex galay labada maleyshiyo beeleed, iyadoo lagu guulaystay in xabbada la joojiyo, islamarkaana la kala qaado maleyshiyaadka dagaalamayay, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka maamulkaas.

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii waqooyiga gobolka Galgaduud aano qabiil loogu dilay, nabadoon Cabdi Daahir Daa’uud, oo kamid ahaa xoola dhaqatada degaanka Laanqeylo ee gobolka Galgaduud, oo koox hubaysan ayaa gurigiisa ku dishay.

Illaa iyo hadda xal lagama gaarin, waxaana colaadahan loo arkaa inay qeyb weyn ku yihiin waxyaabaha ragaadiyay horumarka gobolka. Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee ay kusoo noq noqdaan colaadaha salka ku haya dhul daaqsimeedka iyo aanooyinka qabiilka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed