Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Luuq Gedo

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo. Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday halka dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan labo kale.

Dhawaqa rasaasta ay is waydaarasanayaan dhinacyada dagaalamaya oo aad u xooggan ayaa laga maqlayaa banaanka magaalada magaalada, sida aan ka soo xiganeyno dadka goobjoogayaal ah.

Wararka laga helayo Luuq ayaa kusoo warramaya in saraakiisha hay’adaha ammaanka ay sheegeen in ay soo qabanayaan dadkii dib u soo kiciyay xiisaddaan ee sababta u ah in dagaal maanta uu ka dhaco Degmadaas.

Waxaa jira in durba ay bilaabeen Odoyaasha dhaqanka degmada inay isku howlaan daminta xiisaddaan, iyada oo la soo warinayo inay xoogga saareen sidii ugu horreyn loo dhallin lahaa xabbad-joojin si tallaabada xigta laga dhiga in la kala durjiyo maleeshiyaadka hubeysan.

Horay Waxaa u jiray heshiis maleeshiyaadkaan dagaalamay waxgaradkooda ay u wada gaareen, iyaga oo ku ballamay in gacan adag lagu qabto dhincii jebiya xabbad-joojinta, isla markaana la saaro mas’uuliyadda wixii dhib ah ee dhacay.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed