Inta la xaqiijiyey 50 qof ayaa la dilay tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Kenya oo bil ka hor ka bilowday dalkaasi.
Guddigga qaranka ee xuquuqul insaanka ee Kenya oo ay dowladdu maalgeliso ayaa sheegay in dhimashadu ay ka dhalatay ka dib markii booliisku ay u adeegsadeen awood xad dhaaf ah si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha, waana mida sababtay in dad badan uu naqasku ku dhago halka ku qaar is buurasho ay ku dhinteen.
Banaan baxyada ayaa saameyn ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh dalka Kenya iyo kuwa deggan, maadama ay dibad baxyaashu ay boobayaan dukaamada, halka qaybaha xiranne ay waxyeelo u gaysanayaan.
Qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo HBN Tv la hadlay ayaa inoo xaqiijiyey in dukaamada Soomaalida qaar la boobay, ayna iyagu ka cabsi qabaan haddii dukaamada la furo in boobku saameeyo.
Weli lama soo warin dad Soomaali ah oo waxyeelo ka soo gaartay dhimasha iyo dhaawac Banaan baxyada Kenya.
Koonfurta Caasimada Kenya ayaa Arbacadii hal qof lagu, iyada oo mudaaharaadayaashu ay dalbanayeen in isbadalo dhab ah la sameeyo, inkasta oo Madaxwaynuhu todobaadkii aanu soo dhaafnay kala diray golaha wasiirada uuna soo dhisi doono gole cusub ka dib la tashiyo uu sameeyo.
HBN ONLINE TV