Dadka Daneeya Dalxiiska oo ka cabanaya Weeraro iyo dilal ay Al-Shabaab ka geysteen Lamu ee dalka Kenya

Dadka daneeya hoteelada iyo dalxiiska ee ismaamulka Lamu ee dalka Kenya  ayaa aad uga walaacsan weerarada iyo dilalka argagixisanimo ee ka dhaca dalkaas, kuwaas  sheegeey in weerarrada soo noqnoqda ee lagu arkay qaar ka mid ah tuulooyinka Lamu, taas oo  si xun u saameeysay waaxda dalxiiska, gaar ahaan xilligan oo ah waqtiyada ugu dalxiiska badan dalkaas.

Intii u dhaxaysay bilihii June iyo August ee sanadkan, 8 qof ayaa lagu dilay laguna burburiyay hanti ay ku jiraan guryo, gaadiid, iyo mootooyin, weerarradaas oo Al-Shabaab looga shakisan yahay ee ka dhacay Lamu.

Weeraradii iyo dilalkii ugu dambeeyay ayaa dhacay August 1, 2023, halkaas oo in ka badan 60 dagaalyahan oo lala xiriiriyay Al Shabaab ay weerar gaadmo  ah ku qaadeen deegaanno ku yaal gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya iyo deegaanno kale oo ku teedsan
waddada Lamu-Witu-Garsen, waxana ku dhintay labo qof, iyo dhaawacyada tiro kale.

Milkiilayaasha hoteellada, hagayaasha dalxiisayaasha, ayaa walaac ka muujiyay in inkasta oo weerarada laga soo abaabulo dhul kale sida ay sheegeen, kuwaas oo masaafo u jira jasiiradaha Lamu iyo Shella, oo ah xudunta  dalxiiska ee gobolka, waxaa ay saamayn taban ku yeelatay arrintaan dhanka dalxiiska.

Dadka daneeya arrimaha dalxiiska ayaa su’aal ka keenay sababta weeraradan loo soo agaasimay xilli dalxiisku uu aad u sareeyo. Bilaha July iyo August ayaa ka mid ah xilliyada ugu wanaagsan inta badan goobaha loo dalxiis tago ee dalka Kenya iyadoo la og yahay in inta badan iskuullada ay xiran yihiin waalidiin badana ay doonayaan in ay carruurtooda fasaxa u kaxeeyaan.

Sanadkaan waxaa hoos u dhacay tirada dalxiisayaasha si ka duwan sannadihii hore, waxana arrintaan loo aaneyay weerarrada Al shabaab ay ka geysteen deegaannada dalxiiska iyo kuwa teedsan, waaxda dalxiiska ayaa ayaa sheegtay in dad badan oo  dalxiisayaal ah ay ka baaqsadeen in ay booqdaan Lamu sababo amni awgeed.

Kuwaas oo intaas raaciyay in sanadkii hore hoteellada ay ku dhawaadeen in  ay buuxsamaan, balse sanadkan uu yimid hoos u dhac ballaaran.

Dowladda  ayaa tan iyo sanadkii 2015 waxa ay hawlgal amni sugid ah kawaday xadka Soomaaliya ay la wadaagto, howlgalladaan ayaa ka dhacay dhulka keymaha ah, oo loogu talagalay in lagu sifeeyo kooxda Al shabaab oo ku dhuumaaleysanaya sida ay sheegeen hey’addaha ammaanka ee dalkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed