Dabkii ka holcayay Californi oo laga cabsi qabo inuu ku faafo deegaanno hor leh

Malaayiin qof oo ku nool Koonfurta gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa loo gudbiyay digniino cusub oo ku saabsan halista dabeylo soo fool leh, iyadoo tobanaan kun oo qof ay koronto la’aan yihiin guryahooda, kadib markii dabeylo xooggan ay ka dhaceen magaalada Los Angeles, halkaas oo dab waaweyn uu ka holcayay muddo toddobaad ah.

Dabeylaha Santa Ana ee bilaabay inay ka dhacaan buuraha ayaa la filayaa inay sii xoogaystaan, taas oo sababi karta in holac uu ku faafo masaafooyin fog iyo in dab cusub uu ka kaco gobolka, halkaas oo 24 qof geeridoodda la xaqiijiyay.

Christine Crowley, agaasimaha Waaxda Dab-damiska Magaalada Los Angeles, ayaa iyadoo la hadlaysay dadka wararka fidiya waxay tiri: “Dabeylo baabi’in kara, halis gelin kara nolosha, isla markaana si degdeg ah u faafi kara ayaa durbaba la arkay.”
Inta badan Koonfurta California waxay ku jirtaa heer sare oo khatar dab ah, iyadoo kooxaha gurmadkuna ay heegan buuxa yihiin dhamaan masaafo dhan 300 mayl oo u dhexeysa San Diego ilaa waqooyiga Los Angeles.

Deegaannada gudaha ee waqooyiga Los Angeles, oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Thousand Oaks, Northridge, iyo Semi Valley, oo ay ku nool yihiin in ka badan 300,000 oo qof, ayaa ah meelaha ugu badan ee halista ugu jira, sida ay saadaaliyeyaal sheegeen.
Ku dhawaad 90,000 oo guri ayaa laga jaray korontada si looga hortago in xargaha korontadu ay sababaan dab cusub.

Dabka ayaa ka kacay magaalada Los Angeles 7-dii bishan January, waxaana uu inuu faafo qayb ka qaatay dabeylo xooggan, isagoo gubay in ka badan 37,000 hecter oo dhul ah.
Sababtaas darteed, ku dhawaad 150,000 oo qof ayaa lagu amray inay guryahooda ka barakacaan, iyadoo in ka badan 12,000 oo dhisme la burburiyay ama la waxyeelleeyay.

Waxaa lagu qiyaasayaa in khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay dabka uu u dhexeeyo $250 bilyan ilaa $275 bilyan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed