Dab xoog leh oo ka kacay suuqa magaalada Jigjiga

Wararka ka imaanaya magaalada JigJiga ee deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dab xooggan uu saaak ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada kaasi oo gaystay khasaare baaxad leh.

Dabka ayaa burburiyay goobihii ganacsiga waxaana muddo sacaado ah qaatay in la damiyo, iyadoo arrintaasi ay ka qayb qaadanayeen dab damiska, ciidamada ammaanka, dadweynaha iyo ganacsatada.

Lama oga sababta rasmiga ah ee dabkan dhalisa, waxaan sidoo kale la ogayn khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhacay.

Wixii warar ah ee ku soo kordhan halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa haddii ALLE idmo.

Liibaan Cabdi Warsame
HBN Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed