Ciidanka Nabad-sugidda Jubaland oo gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa deegaanno ka tirsan maamulkaas

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland oo kaashanay dadka deegaanka Jubaland, gaaar deegaanno ka tirsan  magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay walxaha laga sameeyo Qaraxyada oo Al shabaab ay qorsheynayeen doonayeen in ay ku fuliyaan weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda iyo Jubaland ee maamulkaas.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ku soo wargaliyeen arrimaha ku aaddan qaraxyada ay Al shabaab qorsheynayeen, kadibna ay ka hor tageen.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay ku raad joogaan xubnihii ka dambeeyay sameeynta qaraxyadas, kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Faah faahinno dheeraad dowladdu kama bixin heerka uu gaarsiisan yahay agabyada laga sameeyo qaraxyada oo ay gacanta ku dhigeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed