Ciidanka Dolwadda oo Gacanta Ku Dhigay Deegaano Horleh.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howgallo Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka aya ka fuliyeen deegaanno iyo degmooyin hoosta Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kaas oo dhaca bartamaha Soomaaliya, howlgalladaan ayaa ahaay kuwa lagu wajahayay Al shabaab goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgaladaan ayaa sheegay in ay ahaayeen kuwa qorsheeysanaa oo lagu raadinaayay Al shabaab kuwaas oo doonayaan in ka sifeeyaan guud gobolka, Guddoomiyaha degmada Buulabarde, Xillibaano iyo Saraakiil Ciidan ayaa hor kacayay howlgalladaan ka dhanka ah Al shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa gudaha u galay deegaano kamid ah Kiligubadle, Xarar iyo Boocaaale, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalladan ku burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Waxay sheegeen sidoo kale in ay sii wadi doonaan howlgalladaan Ciidanka dowladda iyo Kuwa Deegaanka.

HBN News Desk.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed