Ciidanka Booliiska Kenya oo ka hor tagay qaraxyo looga shakisan yahay in ay ka dambeyeen Al shabaab.

Koox ka tirsan booliska Kenya ayaa fashiliyay weerar qorsheysan oo lala damacsanaa gaadiidka rakaabka qaada markii ay ogaadeen, oo ay ka soo saareen walxaha qarxa ee ku yaala deegaanka Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Qaraxan ayaa waxaa soo diyaariyay kooxo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana lala beegsaday baabuurta PSV iyo kuwa nabadsugida ee isticmaala wadada Cabdisugow ee tuulada Tawfiiq.

Koox booliis ah oo roondo ka waday aagga uu qaraxu ka dhacay ayaa ka war helay bamka, waxayna xaqiijiyeen dhacdadaas.

Khubaro ka tirsan qeybta ka hortagga bambaanooyinka ayaa goobta soo gaaray, waxaana ay si nabad gelyo ah u soo saareen walxaha qarxa, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in bamkaasi uu sababi lahaa burbur iyo dhimasho badan.

Deegaankan ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana inta badan jabsada kooxda Al Shabaab oo weerarro iyo dhaawac gaarsiiya dad badan.

Booliska ayaa sheegay in ay xoojiyeen howlgallada ay ka wadaan aagga xadka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed