Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ee koonfurta Mudug, kaasi oo lagu beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye, kadib markii ciidamada huwanta ay gudaha u galeen, isla markaana ay iska soo abaabuleen wadada ay marayeen xubno ka tirsan Shabaab.
War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
“Howlgalkan waxaa laga fuliyay goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Khawaarijta ah, waxaana lagu saleeyay xog sirdoon oo si heer sare ah loo agaasimay. Bartilmaameedka howlgalka ayaa ahaa horjoogayaasha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud oo horay uga geystay weeraro ka dhacay gobolladaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Horjoogaha la dilay ayay dowladdu sheegtay in lagu magacaabi jiray Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracade), waxaana lala dilay sarkaal kale oo ajnabi ah iyo 5 ka mid ah ilaaladiisa.
Ciidamada howlgalka qorsheysan fuliyay ayaa markii hore ka baxay degmada Xarardheere, waxaana ay dib u soo laabteen kadib markii ay dileen horjoogaha iyo ilaaladiisa.
Ciidamada dowladda Federaalka ayaa deegaano dhowr ah ka saaray Al-Shabaab tan iyo markii uu bilowday dagaalka guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Qaar ka mid ah magaalooyinkii muhiimka ahaa ee laga xoreeyay AS oo ay maamulayeen tobanaan sano.
HBN NEWS DESK