Ciidamafa dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ballaaran ka sameeyay gobolka Hiiraan isla markaana burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen Al shabaab

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kooxaha abaabulan ee loo yaqaano Macawisleyda ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada wadajirka ah ayaa howlgalo adag ka sameeyay deegaanada Hiilweyn,Biya Madoobe iyo Beera-Yabaal oo dhamaantood hoostaga degmada Buulaburte.

Inta badan goobaha ay ciidamada wadajirka ah howlgalada adag ka sameeyeen ayaa ku yaala hareeraha Wabiga Shabeelle halkaasi oo la sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan weerarada ay ka geystaan ​​magaalooyinka Buulaburte iyo Halgan.

Taliyaha  ururka 18-aad ee Gor Gor oo horkacayay howlgalka ayaa tilmaamay in ciidamada isku dhafka ah ay qorsheeyeen howlgalladaasi, islamarkaana ay burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana ay beegsan doonaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan inta ay gabi ahaanba ka ciribtirayaan gobolka Hiiraan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed