Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo Alshabaab ku lahaayeen bariga Galgaduud

Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen deegaanka Geerille iyo kuwo kale oo gobolka Galgaduud ah in lagu burburiyey fariisimo kooxda Alshabaab.

Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday sida la sheegay xarumaha kooxda ayaa Ciidamada Xoogga dalka waxay ku burburiyeen fadhiisimadii Alshabaab ee Bariga Galgaduud, gaar ahaan deegaanada Fadumo Guuleed, Bacad Sarey iyo Garirle.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Ciidanka ee ka dhanka ah Alshabaab, iyadoo ciidanka xoogga ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka wadeen gobolka ShabeellahaDhexe.

Goor sii horeysay dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo hoose in lagu dilay 150 xubnoo ka mid ahaa kooxda, ka dib markii ay bartilmaadeed ka dhigteen Ciidamada Cirka iyo dagaallo dhulka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed