Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ka wada gobolada Shabeelooyinka isla markaana burburiyay fariisimo Al shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe kadib weeraradii ugu dambeeyay ee kooxdaasi ay ku qaaday saldhigyada ciidamada.

Ciidamo Soomaali ah oo lagu tababaray dalka Eritrea ayaa maanta oo Khamiis ah howlgallo qorsheysan waxa ay ka wadaan dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Mara-Cade, Galka Saalimow iyo Garas Wayne ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo la sheegay in ay fariisimo ku lahaayeen maleeshiyaadka kooxda Al shabaab.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, iyadoo howlgallada ay weli socdaan. Sidoo kale howlgalo saacadihii la soo dhaafay laga sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka mid ah Daaru Nicma, Ceel-balcad iyo Buurka Fiiqay.

Sarkaal u hadlay dowladda Federaalka ayaa sheegay in ciidamada oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ay burburiyeen fariisimo ay kooxdaasi ku lahaayeen deegaannadaas, balse ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay howlgalkaasi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed