Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalkaasi lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaatka kooxdaas, balse lama sheegin xilliga howlgalka uu dhacay iyo goobta rasmiga ah.
Dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibo caalami ah ayaa xoojiyey howlgallada ay ka wadaan deegaanada ay maamulaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Toddobaadkii hore, dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 50 ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada dowladda FFaderaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo garab ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa maalmahii ugu dambeeyay kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab kuwaas oo ku yaal gobollada Shabeelada Hoose, Jubada Dexe, Baay, Bakool, Shabeelada Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.
HBN NEWS DESK